Maamulka Aala-Sucuud Oo markii ugu horreysay Haweeney Xil U magacaabay.

 

24 saacadood un kadib markii maamulka Aala-Sucuud uu shaaca ka qaaday in dumarka ay si toos ah u wadan karaan baabuurta ayaa wuxuu maamulku qaaday tallaabo hor leh oo lagu raalli gelinayo Maraykanka, loogan fogaanayo diinta.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa sheegay in haweeney Sucuudiyaan ah markii ugu horreysay loo dhiibay jago weyn oo muuqata, taas oo ah la taliye gudoomiye.

Iimaan Al-Qaamidi haweeneyda lagu magacaabo ayaa laga dhigay la taliye gudoomiyaha magaalada Al-Khabar ee dhulka Xarameynka.

War kasoo baxay wasaaradda Aqoonta iyo Macluumaadka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid la jaan qaadeysa aragtida 2030 ee uu ku dhawaaqay dhaxalsugaha Aala-Sucuud Muxamed bin Salmaan.

Dowladaha Reer galbeedka oo ay Maraykanka ugu horeyso ayaa soo dhaweeyey tallaabada shalay uu Aala-Sucuud ku ogolaaday in haweenku ay gawaarida kaxeysan karaan, waxaana dadku ay aad ula yaabanyihiin isbedelladan deg dega ah ee ay ku kaceyso boqortooyada Aala-Sucuud, waxaana la sahdaalinayaa iney soo dhawaatey baaba’eeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.