Maamulka Aala-Sucuud oo Qorsheynaya inuu kal diro Hay’adda Culimada Xarameynka.(Warbixin)

Sida uu baahiyay qoraaga Caanka ah ee isticmaala  baraha Bulshada Mujtihid, wuxuu nidaamka Aala-Sucuud qorsheynayaa in dhawaan  uu gebi ahaanbo kala diro xubnaha hay’adda Culimada dhulka Xarameynka, kuwaas oo xusid mudan iney taageersanyihiin qoyska maamulka dhulkaas.

Mujtahid ayaa sheegaya in Muxamed bin Salmaan dhaxal sugaha koowaad ee Aala-Sucuud uu tallaabadan ku doonaya sidii uu isaga gadi lahaa dowladaha Reer galbeedka iyo Maraykanka, islamarkaana uu uga takhalusi lahaa manhajka Towxiidka ee uu tajdiiday Muxamed bin Cabdil Wahaab ee muslimiinta Xarameynku aaminsanyihiin.

Sababaha ku riixaya inuu kala diro hay’adda Culimada waxay tahay, iyadoo hay’addu ay xubno ka yihiin Culimaa’udiin horey u jeediyay ama u duubay kutub ku saabsan Caqiidada Al-Walaa Wal-baraa, iyo Nawaaqida Islaamka, kuwaas oo marweliba oo warbaahinta Reer galbeedka iyo macaahida waxbaarta ee Reer galbeedka ay wax ka qorayaan arimaha Jihaadka iyo Mujaahidiinta sheega in culimadaas ay qeyb kayihiin dadka kiciyay dhalinyarada Muslimiinta.

Wuxuu Ibnu Salmaan soo reebi doonaa oo kaliya golaha Fatwada, kuwaas oo sharciyeyn doono tallaabo kasta oo uu doonayo inuu qaado Ibnu Salmaan oo ah wasiirka arimaha gaashandhiga iyo dhaxalsugaha koowaad ee Aala-Sucuud.

Waxaa jira warbixino ay warbaahinta Reer galbeedku ku sheegayaan in la filayo in talada dhulka Xarameynka uu mardhow la wareego Muxamed Ibnu Salmaan maadaama aabihiisa uu yahay waayeel xanuunsanaya, waxaana tallaabooyinka ugu horeeya ee uu qaadi doono Muxamed haddii uu la wareego boqortinimada Aala-Sucuud kamid ah sida warbaahintu sheegayaan inuu meesha ka saaro naaneesta “ Khaadimul Xarameyn Al-Shariifeyn”.

Waxaa muuqata in wiilkan dhalinyarada ah ee u heelan qabshasada xukunka uu doonayo inuu meesha ka saaro madhar kasta oo xirii la leh diinta Islaamka oo lagu garan jiray dhulka barakeysan ee Xarameynka, waxaana taageeraya maamulka Imaaraatka Carabta iyo madaxweynaha waalan Donald Trump.

Dhawaan ayaa ciidamada Amaanka Aala-Sucuud waxay xabsiyada dhigeen Culimo farabdan, iyo Aqoonyahanno aad loogu xusuusto taageerada Aala-Sucuud, waxaana kaliya lagu heystaa iney ka aamuseen mowqifka dowladooda ay ka  qaadatay Qadar iyo Culimada qaar oo xilliyo hore ka run sheegayay diinta Islaamka iyo Manhajka Rasuulka SCW.

Imaamka Xaramka Cabdi Raxmaan Al-Sudeysi ayaa mar sii horeysay isagoo ka qeybgalaya kulan ka dhacay dalka Maraykanka, wuxuu si aad ah u amaanay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo uu ku tilmaamay inuu Aduunyada ku hogaaminayo Nabad iyo barwaaqo.

Culimo ku sheeg ka qeybgalay Shirka Maraykanka dhawaan ka dhacay ayaa Isbaheysiga dowladaha  Carabta ay la leeyihiin Maraykanka ee xasuuqa kawada dalal badan oo katirsan Caalamka Islaamka ku tilmaamay inuu la yimid yahay “Xilful-Fuduul”, taas oo gef iyo meel ku dhac ku ah diinta Islaamka.

(Alprazolam bars)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.