Maamulka Aala-Sucuud oo U fasaxay Dumarka kaxeynta Baabuurta.

Markii uug horeysay war kasoo baxay boqorka Aala-Sucuud Salmaan bin Cabdil Caziiz waxaa lagu sheegay in dumarka ku dhaqan dhulka Xarameynka ay gacantooda ku kaxeysan karaan Baabuurta.

Warka kasoo baxay Salmaan bin Cabdil Caziiz oo lagu baahiyay wakaaladda wararka Aala-Sucuud ayaa lagu sheegay in wixii maanta ka billowda ay dumarku ku dhex wadan karaan Xarameynka baabuurta Raaxada, waxaana horey mamnuuc uga ahaa dhulka Xarameynka in dumarku ay magaalooyinka ku dhex wataan baabuurta, waxaana taas bedelkeeda haweeneyda gaariga u kaxeyn jiray qof kamid ah maxaarimteeda.

Wasaaraha arimaha gudaha, maaliyadda iyo kuwa kale ayaa lagu amray iney muda 30 maalmood ah ku dhameeyaan dhamaan sharciyada iyo nidaamyada arinkan suuragelin kara.

Shacabka Muslimka ah ee Xarameynka ayaa ka horyimid intiisa badan tallaabadan, waxayna ku tilmaameen mid horseedi karta in gabdhaha Muslimaadka ee Xarameynka ku nool laga fasahaadiyo diintooda iyo dhowrsanaantooda.

hay’adda culimada ee qaabilsan sharciyeynta tallaabooyinka maamulka Aala-Sucuud ayaa durba soo dhaweysay tallaabadan, waxayna ku tilmaamtey mid waafaqsan Shareecada Islaamka.

Aala-Sucuud ayaa maalmihii tagay waxay wadeen isbedello siyaasadeed iyo mid maamul oo lagu bedelayo huwiyada Shacabka Xarameynka ee Muslimiinta ah, waxaana sida horeyba loo sheegay la doonayaa in nidaam Cilmaani ah lagu soo rogo dhulka Xarameynka, taas oo lagu raalli gelinayo Reer galbeedka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.