Malaayiin Ruux Oo ka barakcday gobolka Florida ee Maraykanka.
Duufaanta loogu magac daray Iirma ayaa ku socota si xowli ah, waxaana dalka Maraykanka guud ahaantiisa gaar ahaan gobolka Florida kajira barakac ballaaran oo ay sameynayaan dadka gobolkaas dega.
Ugu yaraan 5 Milyan oo Ruux ayaa guryahooda ka barakacay, kadib markii lagu wargeliyay in duufaantu ay soo gaartay gobolka Florida, waxaana ay u carareen magaalooyin kala duwan oo weli duufaantu aysan gaarin.
magaalada Mayami ee dalka Maraykanka waxaa lasoo sheegayaa in 400 oo kun Ruux ay koronto la’aan yihiin, waxaana korontada ay dalkaas ka dhigantahay nolosha oo idil maadaama cuntada, waxbarasahda, goobaha caafimaadka iyo dhamaan adeegyada bulshada ay ku shaqeeyaan korontada.
Markazka qaabilsana arimaha xaaladaha deg dega ee Maraykanka ayaa sheegay in awooda dabeysha iyo duufaantu ay sii kordheyso marba marka ka dambeysa, iyadoona la filayo iney gaaraan magaalooyin hor leh iyo gobollo cusub.
Dad badan oo Muslimiin ah ayaa ku faraxsan dhibaatada maanta heysta shacabka Maraykanka ee dowladiisa ku garab taagan gabood fallada ay ka wado caalamka Islaamka, waxaana imtixaanka heysta maanta Maraykanka ay dadka ku tilmaamayaan iney tahay Aargoosi dhanka Alle uga yimid.