Maraykanka Oo Ka jawaabaya Weerarkii Garoonka Kaabul oo Dad Shacab ah laayay.

Iyadoo maalintii shalay duqeyn lagu qaaday garoonka Diyaaradaha Kaabul uu si dirqi ah kaga badbaaday wasiirka gaashandhiga Maraykanka oo booqasho ku jooga dalka Afqaanistaan ayaa ciidamada Maraykanka waxay jawaab ka bixiyeen duqeyntaas.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa duqeymo xoogan ka fuliyay duleedka magaalada Kaabul, halkaas oo ay ku tuhmayaan in laga soo tuuray gantaallada lagu garaacay garoonka, waxaana lasoo warinayaa in dad maati ah ay ku dileen halkaas.

Ilaa iyo 3 Ruux oo caruur ay ku jiraan ayaa ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Maraykanku geysteen, waxaana war kasoo baxay Urur Naato lagu qiray in dad shacab ah ay wax ku noqdeen duqeymahan.

Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa shalay duqeysay qeybta milliteri ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaabul halkaas oo ku sugnaa markaas wasiirka gaashandhiga Maraykanka iyo taliyaha guud ee ururka Naato.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.