Reer Muqdisho: “Kama Seexano Guuxa Dayuuradaha Mareykanka” (Dhageyso)

Magaalada Muqdisho waxaa habeenadii lasoo dhaafay dul heehaabayay dayuurado nooca milatariga ah oo la rumeysan yahay inuu Mareykanku leeyahay.

Dayuuradahan oo wata guux dadka ka calwinaya hurdada ayaa isku soo beega sagaalka ama sadaxda saac ee fiidnimo iyagoo ku dul meereystay hawada magaalada.

Mid kamid ah indheer garadka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa war-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan u sheegay in dayuuradahan ay si gaar ah saameyn ugu yeesheen dadka qaba xanuunada dhiig karka iyo caruurta yar-yar siiba dhallaanka kuwaasoo aanan xamili karin guuxa arxan darrada ah ee ay dayuuraduhu sameynayaan.

Magaalada Muqdisho waxaa joogta DF saasoo ay tahayna kama aaney hadal dhibkan uu Mareykanku ku hayo shacabka. Dhawaan dayuurad nooca wax basaasa ah ayaa kusoo dhacday xaafadda la yiraahdo Suuq-yaraha oo dhanka qorrax u dhac ka xigto ekis koontarool Balcad.

Halkan Ka Degso Wareysiga Nabadoonka

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.