Sarkaal Katirsan Dowladda FD Oo Lagu dilay Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka dhacay Qarax lagu dilay Sarkaal katirsan dowladda Federaalka oo lagu magacaabo Abuu Shiine.
Sarkaalkan la dilay ayaa kahowl geli jiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, waxaana dilkiisa uu ku daba feylayaa Silsilado howlgallo Iqtiyaalaad ah oo dhawaanahan ka dhacayay magaalada Muqdisho.
Sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Muqdisho lagu dilay Saraakiil sar sare oo katirsan Ps-ta DF, iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana dhamaan dilalkaas ka dambeeyay dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dilalkan kusoo badanaya Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo Ciidamada Amaanka DF ay wadaan howlgallo baaritanno ah iyagoo wadooyinka qaar soo dhigay Dhagxaan waaweyn, sidaas oo ay tahana Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa howlgalladooda si xurnimo leh u wata.