Sarkaal sare oo Ruushka looga dilay Suuriya.

Wasaaradda gaashandhiga dowladda Ruushka ayaa shaacisay geerida mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysay milliteriga Ruushka ee ka howlgalaya dalka Suuriya.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Falleyr Asaaboof ayaa ahaa taliyaha u ahaa koox la taliyaal Milliteri oo saraakiil ka kooban kuwaas oo dowladda Ruushka ay u dirtay dagaallada ka socoda gobolka Deyru-Zuur.

Bayaanka Wasaaradda kasoo baxay waxay ku sheegtay in sarkaalka uu dhaawac halis ah kasoo gaaray duqeyn ka dhacday nawaaxiga magaalada DayruZuur, waxaana markii dambe uu u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

Warbaahinta Ruushka ayaana baahiyay sawirka Sarkaalka la dilay, iyadona la filayo in loo sameeyo waxa loogu yeero Aas qaran.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.