Sheekh Aadan Sunne oo lagu Xiray magaalada Hargeysa.

Ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaano RRU-da ee u shaqeeya sirdoonka Ingiriiska ayaa habeenkii xalay gurigiisa ugu dhacay Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah culimada ku dhaqan magaalada Hargeysa ee xaqa la jahra.

Dad daris la ah Sheekha ayaa isku dayay iney difaacaan laakin waa loo awood sheegtay waxaana askartu ay si arxan darro ah u jeego qabteen Sheekha iyagoo ku tuuray gaari ay wateen.

Sheekh ayaa maalintii ciida meel fagaare ah ka jeediyay khudbad uu ku taabtay gumeysiga heysta ummada iyo tallaabadii ay DF ay xabashida ugu dhiibtay muwaadin Soomaaliyeed.

Haddaba Arrintan ayaa noqotay mid ka cadheysiisay dadka muslimiinta gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxaana dhanka maamulka Soomaaliland ay ku khasbanaadeen iney ka hadlaan xariga sheekha.

Labo kamid ah saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ay habeenkii xalay soo xireen Sheekh Aadan iyagoo ku eedeeyay inuu maalintii ciida jeediyay hadalo halis ku ah waxa ay ugu yeereen qarannimada.

Dhawaan ayay ahayd markii uu General Gabre ku goodiyay ineysan Soomaaliya hurdo ku ladi doonin cid kasta oo Itoobiya kasoo hor jeeda ama ay doon-dooneyso, waxaana marka la eego xariga Sheekh Aadan Sunne muuqanaya in uu Gabre ka dhabeeyay hanjabaadiisii islamarkaana uu Soomaaliya ka helay maamulo gacanta u galinaya ama u xidhaya ciddii gumeysigooda ka hadasha.

Soomaali waxaa maanta xor ka ah oo kaliya wilaayaadka islaamiga ah ee ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab halkaasoo ah meesha kaliya ee Xabashi wax looga sheegi karo lagalana dagaalami karo.

You might also like
1 Comment
  1. abu fatima says

    Gaal waa dhibsanayaa nin kastoo dhukubo qaba
    Daba dhilifka mooyee hanad waa ka dhiidhiyey
    Wadaadada dhitee yee daaquud fatwaw dhura

Leave A Reply

Your email address will not be published.