Sheykh Cabdi Raxmaan Al-Sudeysi Oo Amaanay madaxweynaha Waalida qaba ee Donald Trump.
Isagoo ka qeyb galayay Shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Newyork ee dalka Maraykanka, oo looga hadlayay xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo wadamada Muslimiinta, ayuu Sheykh Cabdi Raxmaan Al-Sudeysi oo ah imaamka iyo khadhiibka Kacbada barakeysan wuxuu si kal iyo laab ah u amaanay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Cabdi Raxmaan Al-Sudeysi ayaa sheegay in boqorka Aala-Sucuud iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay ku hogaaminayaan Caalamka wadada nabadda, barwaaqda iyo Ilbaxnimada.
Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen dad badan oo magac culimo wata marka uu dhamaaday kadib ayuu Cabdi Raxmaan Al-Sudeysi wuxuu waraysi siiyay tvga Al-Akhbaar ee maamulka Aala-Sucuud, isagoona sheegay in Maraykanku saameyn wanaagsan ku leeyahay caalamka oo dhan.
Dadka isticmaalaha baraha Bulshada gaar ahaan kuwa ku nool dhulka Xarameynka ayaa aad ula yaabay warka kasoo baxay Sudeysi, waxayna sheegeen inuu yahay mid ku jees jeesaya kumanaanka Ruux ee caruurtooda iyo dadkooda ku waayay duullaannada uu Maraykanku ku qaaday Caalamka Islaamka iyo gumaadka diyaaradihiisa ka wadaan dalal badan oo ay ku jiraan Ciraaq, Suuriya, Afqaanistaan, Soomaaliya iyo Yaman.