Sheykh Cali Dheere : Dagaalkii Bariire Wuxuu Aargud ahaa Shacabkii Laglu Laayay Axmed Yare iyo Bariire.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheykh Cali Maxamuud Raage Sheykh Cali Dheere ayaa jeediyay kalimad uu ku faafaahiyay dagaalkii malxamadda ahaa ee maalintii shalay ka dhacay deegaanka Bariire ee Shabeellaha hoose, kaas oo lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda.

Sheykh Cali Dheere ayaa ka sheekeeyay sababaha rasmiga ee duulaankaas ay u qaadeen, wuxuuna ku sheegay iney tahay u aargudida dadkii ciidamada Maraykanku ay ku xasuuqeen duleedka Jilib iyo magaalada Bariire.

Wuxuu Sheekh Cali sidoo kale ka hadlay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, iyo Gawaarida ay gacanta ku dhigeen, isagoona fariin kulul u diray dowladda FD iyo ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya jooga.

Halkan ka dhagayso Kalimadda Sheykh Cali Dheere ee Weerarkii Bariire.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.