Taliye Kuxigeenkii Saadka Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Xalay waxay magaalada Muqdisho ku dileen Sarkaal sare oo katirsan milliteriga dowladda federaalka.

Ciidamo sigaar ah u tababaran oo katirsan Mujaahidiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxay ku dileen Taliye ku xigeenkii Saadka ciidamada dowladda federaalka Jeneraal Cabdulle Quruurux.

Quruurux waxaa lala dilay mid kamid ah Ilaaladiisa oo la socoday xilliga uu weerarku dhacayay, waxayna Mujaahidiinta soo qaateen Bastoolad uu watay Jeneraalka la toogtay.

War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda dilka Jeneraalkan oo noqonaya kii ugu sarreeyay ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dilo magaalada Muqdisho.

Jeneraal Quruurux wuxuu kamid ahaa Saraakiisha farakuturiska ee aadka ugu dhawaa Madaxweynaha dowladda Farmaajo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.