Taliyihii BS-ta Dowladda ee degmada Kaxda Oo Lagu dilay Muqdisho.

Qooley.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Weerar dhabbagal ah waxay ku dileen Sarkaal sare oo katirsan sirdoonka dowladda federaalka.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa beegsaday Gaari uu saarnaa Qooleey oo ahaa taliyaha sirdoonka Dowladda ee degmada Kaxda, waxaana xilliga la beegsanayay la socoday ciidamo Ilaaladiisa oo illaa iyo 4 Askari gaaraya.

Rasaas ayaa lagu shubay gaariga uu la socoday Qooleey oo marayay isgoyska Xoosh ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu qaaday markii hore dhaawac garaab ah, iyadoona goobta ay ku dhinteen ciidamadii kale ee la socday.

War kasoo baxay Xarakada  Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in ciidamadoodu ka dambeeyaan weerarkan, islamarkaana uu najaxay.

Qooleey ayaa kamid ahaa Saraakiisha ay Reer Muqdisho ugu yeeraan “Ashahaada La dirirka”, waxaana ku dhib qabay dadka Reer Kaxda oo dhibaatooyin kala gedisan uu ku hayay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.