Xuseen Dhaafoor Oo Lagu dilay Gedo, Gaarigiisana Laga qaatay.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku guuleystay iney dilaan mid kamid ah Odoyaashii soo xuley baarlamaanka dowladda federaalka, kaas oo ku sugnaa gobolka Gedo.
Xuseen Dhaafoor oo kamid ahaa Odoyaasha soo xulay Baarlamaanka ayaa lagu diley duleedka degmada Buurdhuubo ee wilaayada Islaamiga ee Gedo.
Xuseen ayaa markii la dilay waxaa laga qaatay Gaari nooca Raaxada ah oo uu isagu lahaa.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si cad u sheegtay ineysan ka waaban doonin beegsashada iyo dilka Odoyaasha ka qeyb qaatay soo xulista Baarlamaanka dowladda Federaalka, waxaana hanjabaadaas kadib ay Mujaahidiintu dileen tobanaan Oday oo Soo xulay Baarlamaanka.