Al-Shabaab Oo Markale Cagta Marisay Saldhig Ciidan Oo ku yaala Bakool.

Ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday salddhig ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Itoobiya la shaqeeya ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Teed oo dhaca duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ciidamada Al-Shabaab oo adeegsanaya noocyada kala duwan ee hubka ayaa ku guuleystay iney cagta mariyaan ciidamada dowladda oo xilliga la weeraray aan dagaal u diyaarsaneyn, waxaana lasoo warinayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gebi ahaanba la wareegay deegaanka Teed, waxaana ciidamadii ku sugnaa ay u carareen dhanka magaalada Xudur halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

Al-Shabaab waxay gacanta ku dhigeen Hub iyo Saanad milliteri oo aad u badan, waxaana deegaanka laga jaray Khadka Isgaarsiinta.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay weerarada ay ku beegsaneyso ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ula shaqeeya Maraykanka iyo Itoobiya, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo maalintii Jimcaha dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Bariire lagu xasuuqay kudhowaad 100 Askari oo katirsan ciidamo Maraykanka u shaqeeya.

Wixii Faafaahin ah ee kusoo kordha Weerarka Teed ee Bakool waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.