Ciidamada Dowladda ee Maraykanka Tababaray Oo Isaga baxay Bariire iyo Ciidamada Al-Shabaab Oo La wareegay.

Aroornimadii hore ee saaka ciidamada dowladda ee Maraykanka hoostaga ayaa isaga baxay deegaanka Bariire.

Ciidamada dowladda ee ka baxay Bariire ayaa afka saaray wadooyinka aada dhinaca degmada Afgooye ee u dhow magaalada Muqdisho.

Markii Ciidamada isaga carareen deegaanka waxaa magaalada galay ciidamo katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab kuwaas oo aan horeyba uga fogeyn magaalada.

Dadka deegaanka ayaa si aan horey loo arag waxay usoo dhaweeyeen ciidamada Mujaahidiinta ee galay deegaanka Bariire.

Ka bixitaanka Ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire ayaa timid kadib markii dhawaan ay xilkoodi iska casileen Taliyaha guud ee Ciidamada dowladda Jeneraaal Cirfiid, iyo wasiirkii Gaashandhiga Dowladda Cabdi-Rashiid Cabdullaahi.

Ciidamada Bariire isaga baxay ayaa 29-kii bishii hore ee Septembar waxay la kulmeen weerar culus oo looga dilay 96 Askari, waana ciidamo si gaar ah uga amar qaata Taliska Maraykanka ee Africom.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.