Ciidamo Katirsan Xukuumadda Kaabul Oo Lagu Laayay dalka Afqaanistaan.

Diyaaradaha dagaalka ee xukuumadda taagta daran ee Kaabul ayaa duqeysay ciidamo katirsan dowladda Kaabul, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Helmand ee dalka Afqaanistaan.

Diyaaradaha dagaalka ee xukuumadda Afqaanistaan oo isku dayaya iney duqeeyaan meelo ay magaalada Lashkar Jaah ka joogaan Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa dhowr gantaal waxay si khalad ah ugu dhufteen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Kaabul.

Ugu yaraan 10 Askari ayaa dhimatay, halka tiro kale ayna ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Kaabul ayaa sheegtay iney wado baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay khaladkan.

Marar badan ayay soo laabatay duqeymo ceynkan ah oo si khalad ah loogu dhufto ciidamo katirsan Xukuumadda Kaabul.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.