Ciidamo Maraykan ah Oo ku dhintay Weerar ka dhacay Saldhig milliteri oo ku yaala dalkaas.

Saraakiisha Ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in gudaha dalka Maraykanka ay ku dhinteen ciidamo Ameerikaan ah kadib markii uu dhacay weerar loo adeegsaday Gaari.

Weerarka Gaariga lagu jiirsiiyay ciidamada Maraykanka wuxuu ka dhacay saldhig ku yaala gobolka Carlonia ee dalka Maraykanka.

Ugu yaraan 2 Askari ayaa dhimatay, halka 6 kalena ay dhaawacmeen, waxaana la dhigay xarumaha caafimaadka ee milliteriga Maraykanka.

Sarkaal warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in dhaawacyada qaar ay xaaladoodu aad u liidato lagana cabsi qabo iney dhintaan.

Saraakiisha Maraykanka waxay ka gaabsadeen iney ka hadlaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in saldhig ciidan uu ka dhaco weerar Gaari loo adeegsaday.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar maalintii Arbacada ka dhacay xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Maali iyo Nayjar, kaas oo ay la kulmeen ciidamo Maraykan ah.

Saraakiisha Maraykanka ayaa xaqiijiyay in askari dheeraad ah oo dhintay laga helay halka uu ka dhacay dagaalka, taas oo dhimashada ciidamada Maraykanka ka dhigeysa illaa iyo 4 Askari.

Kamiinka oo ka dhacay deegaan xuduuda ah, illaa iyo hadana la ogeyn cida rasmiga ah ee ka dambeysa ayaa waxaa ku dhintay 8 Askari oo 4 kamid yihiin kuwa Maraykanka halka inta soo hartana ay yihiin ciidamada milliteriga xukuumadda Nayjar.

Labo Askari oo Ameerikan ah ayaa sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray kamiinkaas.

Waa markii ugu horreysay oo si toos ah loo ogaado in Ciidamo Maraykan ah ay ku suganyihiin wadamada dhaca galbeedka Africa.

(https://flixtor2.to)

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.