Degdeg: Gaari Ay Saarnaayeen Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Duleedka Muqdisho.

War degdeg ah oo goor dhow inaga soo gaaray degaanka Weydow oo u dhaxeeya degaanka KM13 iyo tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa wuxuu sheegayaa in gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askarta DF la qarxiyay.

Gaarigan oo xawaare sare ku socday ayaa la xaqiijiyay inuu gabi ahaanba burburay, qaraxa lala beegsaday oo xooganaa awgiis, waxaana sidoo kale halkaasi ku qurbaxay askartii gaariga la socotay.

Hadda waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo gurmad ah kuwaasoo xiray wadada. Sidoo kale waxaa habeenkii xalay qaraxyo lagu weeraray saldhigga degmada Kaaraan lamana oga khasaaraha ka dhashay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.