Dhageyso:Wareysi Ku saabsan Khasaaraha Musiibooyinka Allaah uu ku saliday Maraykanka
Wadanka Maraykanka oo sheegta inuu yahay dalka Dunida ugu dhaqaalaha iyo hubka badan ayaa waxaa ka socda Musiibooyin rabaani ah oo saameeyay dadka.
Hadaba Idaacadda Alfurqaan ayaa la xeriirtay Sheekh Cabdullaahi oo Ku sugan Dalka Maraykanka, isagoo ka hadlay musiibooyinka allaah uu ka saliday Maraykanka.
Wuxuu sheegay in dhaqaallo badan iyo Nafaf Maraykanka uu ku waayay roobab wata dabaylo,iyo dab ku fidaya gobalada Maraykanka.
Sheekh Cabdullaahi ayaa ku nuuxnuuxsaday in Musiibada ay noqotay mid ballaaran oo dowladdu ay ku adkaatay inay saacido dadka ku halakoobay.
Guryo badan ayuu sheegay inay dumeen dadkii ku noolaana ay yihiin kuwa hoy La’aan ah.
Cabdullaahi ayaa dhaka kale soo hadal qaaday waxa usababta ah musiibooyinka kusoo noqnoqday dalka Maraykanka.