Dhaxalsugaha Aala-Sucuud Oo La Ogaaday inuu booqasho ku tagay Talla’biib.

Muxamed bin Salmaan oo ah dhaxalsugaha koowaad ahna wasiirka gaashandhiga maamulka Aala-Sucuud ayaa la ogaaday inuu booqasho qarsoodi ah ku tagay dhulka ay xooga ku heystaan Yahuuda ee Filastiin.

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Muxamed bin Salmaan ayaa la ogaaday in bishii Septembar ee aynu sooo dhaafnay uu booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Talla’biib ee caasimadda maamulka Yahuudda.

Booqashadan waxaa maalmo kahor xaqiijiyay warbaahinta ugu afka dheer ee Yahuudda iyagoo soo xiganaya saraakiil sar sare oo katirsan maamulka Yahuudda, balse waxaa hadda si toos ah u xaqiijiyay maamulka Yahuudda.

Wafdiga Aala-Sucuud ayaa kulamo dheer dheer la yeeshey saraakiisha ugu sarreysa maamulka Yahuudda, iyagoona ka wada Hadley sidii xiriirka maamulka Aaala-Sucuud iyo midka Yahuudda loo xoojin lahaa.

Arintan ayaa ku biireysa tallaabooyin dhowr ah oo uu u qaaday Muxamed bin Salmaan dhanka iyo cilmaaniyadda, wuxuuna ina Salmaan doonayaa sida la sheegayo in dhulka Xarameynka uu ka dhigo dal Cilmaani ah, iyadoona arimo badan oo mamnuuc ahaa ay haatan noqdeen kuwa xalaal ka ah dhanka Aala-Sucuud.

Arimahaas waxaa kamid ah iyadoo dhulka Xarameynka ay haatan caadi ka tahay in lagu dhigo xafladaha ay raga iyo dumarka isku dhex galayaan islamarkaana heesa iyo arimo badan oo xaaraam ah lagu sameynayo, waxaana dhanka kale xabsiyada lagu illoobay culimo iyo  ducaad farabadan oo bilihii ugu dambeeyay la xiray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.