Diyaarad Milliteri Oo Faransiiska Uga burburtay IvoryCost.

Wararka ka imaanaya dalka Ivory Cost ee galbeedka Africa ayaa xaqiijinaya burburka diyaarad nooca xamuulka ah oo uu leeyahay ciidanka Faransiiska ee dagaalka kaga jira dalka muslimka ee Maali.

Diyaaradda oo ahayd islamarkaana xamuul iyo sahay ciidan u siday ciidamada Faransiiska ayaa ku burbrutay garoonka diyaaradaha ee magaalada Abidjan oo ah caasimadda dalka Ivory Cost.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay burburka Diyaaradan, ugu yaraan 4 Ruux ayaa dhimatay halka 6 kalana ay dhaawacmeen.

Sawirro lasoo qaaday waxay muujinayeen Diyaaradda oo ku dhacday badda, islamarkaana dul sabeyneysay biyaha.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.