Diyaarad Ruushku leeyahay oo ku burbrutay Suuriya.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ee muslimka ah ayaa sheegaya in diyaarad milliteri oo Ruushku leeyahay ku burburtay dalkaas, iyadoona ay dhinteen shaqaalihii saarnaa.

Diyaaradda burburtay oo nooceeda lagu sheegay Sokhawi ayaa burburtay kadib markii ay kasoo kacday garoonka Xamiimiim ee dalka Suuriya, iyadoo dooneysa iney duqeymo wuxuushimo ah ka geysato gobollada DayruZuur iyo Raqqa ee Suuriya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda dagaalka Ruushka waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay soo dhacday, islamrkaana ay dhinteen dhamaan ciidamadii saarnaa.

Soo dhicista Diyaaradan waxaa loo sababeeyey cillad farsamo oo ku timid Diyaaradda, mana jirin gantaallo lala eegtay Diyaaradda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.