Dooni ay  saarnaayeen Dad Barakacayaal Rohingiya ah ayaa ku qallibtamay Xeebaha Bangaledesh.

Waxaa weli halkiisa ka socoda barkaca ay sameynayaan Muslimiinta Rohingiya kuwaas oo kala kulmaya malleeshiyaadka Buudiyiinta iyo ciidamada xukuumadda Baarma gabood fallo iyo xasuuq wadareed fool xun.

Dadka soo barakacaya ayaa si dhib ah kusoo gudba biyaha u dhexeeya Bangaladesh iyo Baarma, waxaana doonyaha yar yar ay halkii marba soo qaadaan boqollaal Ruux taas oo ka badan tanka loogu talagalay iney qaadaan.

Mid kamid ah doonyaha yar yar ee dadka barakacayaasha soo gaarsiiya xeebaha Bangaldesh ayaa shalay gelinkii dambe waxay ku rogmatay biyaha kala bara Bagaladesh iyo Baarma.

Saraakiil katirsan illaada xuduudaha ee xukuumadda Bangaladesh ayaa warbaahinta u sheegay in doonta yar ay waday 100 Ruux, islamarkaana labo Ruux ay dhinteen, halka 2 kalana iyagoo nool lasoo helay.

Dadka ugu badan ee doonta rogmatay saarnaa waxay ahaayeen Caruur da’ yar, waxaana weli socoda baaritaanno lagu raadinayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.