Khasaaraha Weerarkii Las Vegas Oo kordhay.

Rag hubeysan oo labo Ruux gaaraya ayaa weerar culus waxay ku qaadeen Kalaab lagu tunto oo ku yaala magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka, xilli halkaas ay ka socotay Xaflad Music.

Ragga weerarka fuliyay ayaa albaabka hore ee kalaabka waxay ku toogteen qaar kamid ah ciidamadii Booliiska ee Ilaalada ka hayay Kalaabka, waxaana markaas kadib ay u dhaadheceen goobta ay Xafladda iyo tumashadu ka socotay.

Inkabadan50 Ruux ayaa dhimatay dhaawacuna wuxuu ka badanyahay 200 Ruux, waxaana dadka dhintay kamid ah saraakiil katirsan Booliiska.

Saraakiisha booliiska magaalada Las Vegas oo hadlay waxay sheegeen in mid kamid ah Ragga weerarka soo qaaday ay dileen, islamarkaana la rumeysanyahay in midka kale uu weli ka dagaallamayo gudaha Kalaabka.

Muuqaallo laga soo duubay goobta uu dagaalku ka socodo oo lagu baahiyay Internetka waxay muujinayaan qalqalka iyo cabsida heysta shacabka Maraykanka gaar ahaan kuwa kasoo badbaaday weerarka.

Dhaawacyda qaar ee la geeyay xarumaha Caafimaadka ayaa durba geeriyooday, waxaana wadooyinka soo gala Kalabka lasoo tubay boqollaal Askari oo ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran kamid ah.

Maraykanku weli ma sheegin nooca weerarkan ay ku tuhmayaan iyo haddii uu kamid yahay weerarada ay fuliyaan Kaligii duuliyaasha Muslimiinta ah, waxaana la arki doonaa wixii kusoo kordha Inshaa’Allaah.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in weerarkan ay fuliyeen Nin cadaan ah iyo haweeney.

You might also like
2 Comments
  1. Axmad mujahida says

    Masha allah waa arin aad lagu faraxo ah inasha allah guul iyo gobonimo

  2. Axmad mujahida says

    بر ك الله

Leave A Reply

Your email address will not be published.