Faarax Qare: “Boob Daran Ayaa Ku Socdo Kheyraadka Badda DF Waxba Kama Qaban Karto” (Dhageyso)

Taliyahihii ciidanka badda ee dowladdii kumeel gaarka haddana ah madaxa hey’adda cilmi baarista badaha ayaa sheegay in boob daran lagu hayo kheyraadka badda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ay shisheeyuhu dabar goyn ku hayaan dhammaan kheyraadka ku jira badaheena si lamid ahna ay xeebaha dalka kusoo dadiyaan sun halis ah.

“Arrintu Sikareet ma ahan, waa arrin loo soo duulay, ciddi usoo duushayna ay og tahay, ciddi loo soo duulayna ay og tahay laakin ciddi loo soo duulay sey wax u qabato ay la’dahay” ayuu yiri Faarax Qare oo intaasi ku daray in sannad walba badda Soomaaliya laga qaato kheyraad ku kacaya in ka badan 300,000 $ (sadax boqol oo kun oo doolar”

Ugu dambeyntii Faarax Qare ayaa sheegay in ummada Soomaaliyeed ay la gudboon tahay iney badahooda difaacdaan kana hor tagaan shisheeyahan xaalufta iyo dabar goynta ku haya, maadaama aysan jirin dowlad wax ka qabanaysa.

Farmaajo ayaa sheegay inuu yahay madaxweyne waliba ka duwan kuwii hore, saasoo ay tahayna waxaa muuqanaysa in madax bannaanidii wadanka ay haadaan kasii dhacayso, waayo waxaa hadda saldhig milatari Muqdisho agteeda ka dhistay Turkida, waxaa la wareejiyay dekedaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo, xilli horey loo qabsaday dekedda iyo madaarka Muqdisho.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Faarax Qare

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.