Gobolka Catalonia oo ku dhawaaqay inuu yahay dowlad ka madax banaan Spain.

Madaxweynaha gobolka Catalonia ee dooonaya gooni isu taaga ayaa saxiixay waraaqad ay ku qorantahay madax banaanida gobolka Catalonia.

Warqadan waxaa saxiixay gudoomiyaha gobolka iyo Axsaabta siyaasadeed ee taageersan gooni isku taaga, waxaana ay cadeyneysaa iney muhim tahay  in gobolka Catalonia uu noqdo dowlad ka madax banaan Spain.

Dowladda Spain ayaa tallaabadan ku tilmaamtey mid aan waafaqsaneyn sharciga iyo dastuurka u yaala dalka Spain, iyadoona intaa ku dartay in warqadan uusan saxiixin Baarlamaanka dalka.

Catalonia ayaa Madrid ugu baaqeysa iney timaado miiska wadahadalka, islamarkaana madax banaanida Catatalonia ay tahay mid muqadas ah oo aan dood la gelin Karin.

Spain ayaa asalkiisa la oran jiray Al-Andalus waxaana qarniyo dhowr ah ka talin jiray dowladihii Islaamka so maray, balse Ololo badan oo ay Saliibiyiintu kusoo qaadeen Muslimiintii Andalus aakhirkii way ku guuleysteen in dalkan ay ka dhigaan meel ka baxsan gacanta Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.