Inkabadan 100 Ruux oo Ku shahiiday duqeymo ka dhacay gobollada Raqqa iyo Deyru-Zuur ee Suuriya.
Diyaaradaha Taxaalufka Reer galbeedka ayaa bariga Suuriya wuxuu maalmihii lasoo dhaafay ka wadaa duqeymo cadowtooyo oo aan loo meel dayin, kuwaas oo ku beegsanayo dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobollada Raqqa iyo Deyru-Zuur.
Gobolladan oo ay ka socodaan dagaallo waaweyn oo looga soo horjeedo Nidaamka Mujrimka ah Bashaar iyo malleeshiyaadka Mulxidiinta Kurdiyiinta , waxaana Kurdiyiinta taageero dhanka hawada ah siinaya diyaaradaha Taxaalufka.
Tan iyo maalintii shalay waxaa dhacay tobanaan duqeymo ah, waxaana intooda ugu badan ay ka dhaceen magaalada Al-Cashaara iyo tuullada Darnaj ee gobolka Dayru-Zuur, waxaana shahiiday tobanaan Ruux oo Muslimiin ah.
Diyaaradaha Taxaalufka ayaa si ula kac ah u beegsanaya dadka Muslimiinta ee ka barakacaya dagaallada ka socoda labada gobol, waxaana webiga Al-Furaat shalay lagu duqeeyey dooni yar oo ay saarnaayeen dad Muslimiin ah, kuwaas oo markii dambe meydadkooda ay dul sabbeeyeen biyaha webiga Al-Furaat.
Ugu yaraan 133 Ruux oo ay ku jiraan dad isku qoys ah ayaa maalmihii tagay ku shahiiday gobollada Raqqa iyo Dayru-Zuur ee Suuriya, waxaana barakacay kumanaan Ruux oo kale, kuwaas oo door bidaya iney gaaraaan goobo aamin ah.