Inkabadan 200 oo Askari oo Katirsan Ciidamada Xukuumadda Kaabul oo lagu xasuuqay Weeraro ka dhacay dalka Afqaanistaan.
Waxaa dalka Afqaanistaan maanta ka dhacay Weeraro dhiig badan ku daatay kuwaas oo lagu qaaday xarumo ciidan oo ay ku sugnaayeen malleeshiyaad katirsan Xukuumadda Kaabul ee la shaqeeya ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga dalka Afqaanistan.
Rag Istish-haadiyiin iyo Inqimaasiyiin isugu jira oo katirsan Ciidamada Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa weerar qorsheysan waxay ku qaadeen saldhiga Booliiska magaalada Qardiiz ee xarunta gobolka Baktiika ee dhaca koonfur bari dalka Afqaanistaan, iyo xarun lagu tababaro ciidamada cusub oo ku taalla isla magaaladaas.
6 Mujaahid ayaa gudaha u galay xarumahan, waxaa lagu daah furay camaliyaad Istish-haadi ah iyo gawaari miineysan oo lagu dhuftay albaabada laga galo labada xarumood ee la weeraray, kadibna waxaa gudaha u daatay Inqimaasiyiin katirsan Mujaahidiinta.
Dagaal qaraar oo in muda ah socday ayaa halkaas ka dhacay, waxaana gumaad daran lagala duldhacay ciidamadii xukuumadda Kaabul ee joogay halka la weeraray.
Afhayeenka Imaarada Islamiga ah ee Afqaanistaan Dabiixullaahil Mujaahid ayaa barta uu ku leeyahay Telegramka wuxuu ku soo qoray, warbixin kooban oo uu kaga hadlyo khasaaraha ka dhashey camaliyaadkaas Istish-haadiga iyo Inqimaasiyada wada socoday ee maanta ka dhacay wilaayada Baktiika ee caanku ah halganka iyo Nafhurka ee dalka Afqaanistaan.
Wuxuu Afhayeenku xaqiijiyay in Mujaahidiintu ay dileen 277 Askari oo saraakiil sar sare ay ku jiraan, iyadoona ay dhaawacmeen 155 Askari, waxaa saraakiisha ku dhintay weerarkan kamid ah Taliyihii ciidamada Amaanka gobolka Baktiika oo lagu magacaabo Tooryaali Cabdi Yaani.
Saraakiil katirsan xukuumadda taagta daran ee Kaabul oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in khasaare adag uu kasoo gaaray weeraradii ka dhacay gobolka Baktiika, balse waxay ka been sheegeen khasaraha dhabta ah, iygoona kusoo koobay dhimasahda wax kayar 100 Askari, halka xaqiiqda ay tahay in dhimashdu ay gaareyso inkabadan 200 oo Askari.
Xarumaha caafimaadka ee lagu dabiibo malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul ayaa laga dareemyaa zaxmad iyo culees ballaaran, waxaana dhakhaatiir katirsan wasaaradda caafimadka xukuumadda Kaabul ay sheegeen in dhaawacyada qaar ay xaaladoodu tahay mid liidata, lagana yaabo in saacadaha soo socoda ay dhintaan.
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee bilooyinkii ugu dambeeyay mar qura ka dhaca dalka Afqaanistaan, kaas oo lagu qaado malleeshiyaadka cara tuurka u ah ciidamada Shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan ee duulaanka ku jooga dalka Afqaanistaan 16 sano oo xiriir ah oo ay horboodeyso dowladda Maraykanka.
Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa dalkaas ka wada howlgal ballaaran oo loogu magac daray amiirkii hore ee Imaarada Islaamiga Sheykh Akhtar Mansuur, oo ku shahiiday duqeyn ay la beegsadeen diyaaradaha Marayknaka isagoo maraya deegaanno dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Afqaanistaan iyo Paakistaan, 21 may sanadkii hore ee 2016.
Dhawaan filim ducumentry ah oo loogu magac daray Raga dhabta ah oo ay soo saartay mu’assasada Manbacul Jihaad oo kamid ah warbaahinta Imarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa raga kasoo muuqday filimkaas waxay ugu baaqeen dhalinyarada Muslimiinta iney iska soo xaadiriyaan Mucaskaraatka Tababarada ee Imaaradu ay u furtay dadka Muslimiinta, si ay uga qeyb galaan halganka Jihaadka ee ka socoda dalkaas.
Waxaa filimkan oo ahaa mid xiisa badan ku jira fariin saameyn badan oo uu jeedinayo Amiirul Mu’miniin Mowlawi Hibatullaah, taas oo uu kaga hadlyo Nafhurka Istish-haadiyiinta iyo qiimaha ay ku dhex leeyihiin Muslimiinta.