Inkabadan 40 Askari oo Maraykanka Looga dilay Weerar Fashilmey oo ay kusoo qaadeen deegaan katirsan dalka Afqaanistaan.
Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa xaqiijisay in dalka Afqaanistaan ay ku dishey 43 Askari oo katirsan ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga dalkaas.
Ciidamada Maraykanka ee la laayay ayaa duulaan xilli habeen ah waxay kusoo qaadeen deegaan lagu magacaabo Kharwaar oo hoos tagta gooblka Lowjar ee bartamaha dalka Afqaanistaan.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan Dabiixullaahil Mujaahid ayaa xaqiijiyay in Mujaahidiintu dileen 43 Askari oo Maraykan ah ayna soo rideen diyaarad dagaal oo ay wateen ciidamada duulaanka soo qaaday.
Ciidamada Maraykanka ee soo qaaday duulaanka fashilmey ayaa illaa iyo hadda ku sugan goobta diyaaradda looga soo riday ee ciidamadana looga laayay, waxayna diidanyihiin in khasarahooda si toos ah loo arko.