Khasaaraha Weerarkii Bariire Oo Kordhay.

Sida Al-Furqaan ay u xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaan karo waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay weerarkii maalintii Jimcaha ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire oo ay saldhigyo ku lahaayeen ciidamo Soomaali ah oo Maraykanka u shaqeeya.

Khasaaraha dhimashada ee haatan la hubo waxay kor u dhaafayaan 70 Askari oo saraakiil sar sare ay ku jiraan, waxaana intaas kabadan dhaawacyada lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka ee Maraykanku ku leeyahay Ballidoogle iyo Xalane.

Dadka Deegaanka Bariire ayaa xaqiijiyay in ciidama Maraykan uu tababaray oo soo gaaray Bariire ay maalintii shalay meydad kasoo saarayeen webiga, kuwaas oo ah ciidamo katirsan dowladda oo markii dagaalku billowday isku tuuray webiga.

Khasaaraha ugu badan ciidamada Maraykanka uu tababaray waxay kasoo gaareen camaliyaadkii Istish-haadiga, iyadoona qaar kamid ah ciidamada baxsaday duleedka Bariire ay kula kulmeen qaraxyo dhulka lagu aasay, kuwaas oo gallaaftay nolosha tobanaan kale.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa dhawaanahan mar qur ah la gaarsiiyo ciidamada Maraykanku tababaray ee Soomaaliya jooga, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku hanjabtay in dowrka soo socoda uu Maraykanku la kulmi doono wixii gaaray ciidamadiisii ku sugnaa Bariire.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.