Kirishtaan Dad Muslimiin ah Ku laayay Afrikada Dhexe.

Malleeshiyaadka Kirishtaanka ee Afrikada Dhexe ayaa dib u billaabay beegsashada iyo leynta dadka Muslimiinta ee ku dhiban dalkan dhaca bartamaha Qaaradda  Africa.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka yimaada dalkaas wuxuu xaqiijinayaa in la dilay 25 Ruux oo ku sugnaa Masjid ku yaala mid kamid ah magaalooyinka dalka Afrikada Dhexe.

Malleeshiyaad katirsan kooxda Anti Balaka ayaa weeraray Masjid ku yaala magaalada Kiimbi oo ku taalla koonfurta dalka Afrikada Dhexe.

Cabdi Raxmaan oo kamid ah Odoyaasha magaalada ayaa xaqiijiyay in 25 Ruux lagu dhex dilay Masjidka, waxaana dadka la dilay ku jira Imaamkii Masjidka iyo Mu’adinka.

Malleeshiyaadka Kirishtaanka ah ayaa hareerayay Masjidka subaxnimadii Khamiista, waxaana markii dambe ay gudaha u galeen masjidka, iyagoona gumaadkan foolxumada badan ku kacay.

Afrikada Dhexe waa mid kamid ah dalalka Caalamka ee sida wuxuushnimada ah loola dhaqmo Muslimiinta, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ay ka fulisay dalka Jabuuti oo ay ku dhinteen Saraakiil Faransiis ay kamid yihiin ay ku sheegtay iney ugu aargudeysay Muslimiinta Afrikada Dhexe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.