Muxamed bin Salmaan oo Wacad Ku maray inuu Dhulka Xarameynka kala dagaallami doono Islaamka dhabta ah.

Waraysi uu siiyay Muxamed  Bin Salmaan oo ah Dhaxalsugaha koowaad ee maamulka Aala-Sucuud ahna wasiirka Gaashandhiga maamulkaas wargeyska The Gurdian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayuu ku sheegay inuu doonayo in dhulka Xarameynka uu ka cirib tiro Islaamka uu ku tilmaamey Xagjirka.

Muxamed bin Salmaan oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyay Wargeyska ayaa sheegay in sodonkii sano ee lasoo dhaafay uu dhulka Xarameynka ka jiray maamul ad adag, oo diinta si xagjirnimo ah u adeegsada, waa sida uu isagu hadalka u dhigaye, uuna isagu doonayo in dhulkan uu ka hirgeliyo Islaam uu ku tilmaamey mid dhex-dhexaad ah.

Wuxuu sheegay inuu wadanka uu madaxda ka yahay ku yaalo goob muhiim ah oo istiraatiijig ah, sidaas darteedna uu doonayo inuu hormariyo dalkan, si wadamada kale ee ku teedsan ay iyaguna horumar u gaaraan.

“ waxaan dooneynaa Islaam furfuran, oo dhex-dhexaad ah, xiriirna la leh dhamaan diimaha kale, waana ka takhalusi doonnaa dadka xambaarsan fakarka Xagjirka ah, anagoona ku noolaan donna nolol dabiici ah” ayuu yiri Muxamed bin Salmaan dhaxalsugaha koowaad ee maamulka Aala-Sucuud.

Hadalkan kasoo yeeray Muxamed bin Salmaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan maamulka uu dhulka Xarameynka ka hirgeliyay hay’ad howsheedu tahay iney meesha ka saarto Axaadiithta ka sugnaatay Nabi Muxamed SCW ee ka hadleysa arimaha Jihaadka, Al-Walaa wal Baraa, iyo Xaakimiyada.

You might also like
2 Comments
  1. abu fatima says

    Ciribtaada rabigay jar yoo naarta kugu jiidyey
    Jalfis iyo kamiin kaa qarsoon jare lixaad kaaga
    Juudaan iyo baras kula dag too jeermis kugu faafyey
    Wax kastood jeclayd waa adoo jooga dunidaane
    Xag jirku wad ku leedahay durbaba jeebo kugu taage
    Adiga iyo jaqaf kaa ku dalay jahanabaw dhoofa
    Jid cariiriyoo aad u kulul Eebe idin jooji
    Jeer dhaaf Ilaah idinma siin adiyo jaar kiine
    Jaxiimiyo cadaab aan damayn haydin jubuq ayso

  2. abu fatima says

    aamiin cadawga isaamka allaah ciribtooda hajaro

Leave A Reply

Your email address will not be published.