Qab-qabashada Dadka Oo Weli ka socota dhulka Xarameynka.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa halkiisa kasii wada qab-qabashada dadka uu ku eedeynayo iney kasoo horjeedaan siyasaadaha cusub ee uu maamulku qaadanayo maalmihii tagay.

Sida uu sheegay Xisaab lagu magacaabo Maxaabiista U xiran dhanka Fakarka oo barta Twitterka ka furan, waxaa maalmihii tagay xabsiyada loo taxaabay ducaad hor leh, Qudaad katirsan wasaaradda Garsoonka Aala-Sucuud iyo mas’uuliyiin katirsan hay’addii la kala diray ee Farida Macruufka iyo Reebida Munkarka.

Dadka xabsiga la taxaabay labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa kamid ah Maalik Al-Axmad, Xamdi Al-Murshid, Suldaan Al-Cuteybi iyo rag kale.

Ragan la xiray waxay ku biirayaan boqollaal Ruux oo bilihii ugu dambeeyey uu Nidaamka Aala-Sucuud ee uu majaraha dhabta ahi u hayo Muxamed bin Salmaan kawada dhulka Jaziiradda Carabta gaar ahaan Xarameynka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.