Sheykh Abii Muxamed Al-Jowlaani Oo Noqday Amiirka Cusub ee Hay’adda.

Qoraal kasoo baxay hogaanka guud ee hay’adda Taxriiru-Shaam oo kamid ah Mujaahidiinta ka dagaallama dalka Suuriya ayaa lagu sheegay in golaha Shuurada ee hay’adda uu qaaday isbedel dhanka maamulka ah.

Waxaa lagu sheegay in Amiirkii hore ee Hay’adda Al-Muhandis Haashim Al-Sheykh laga qaaday xilka hogaamiyaha guud ee hay’adda, iyadoona ku xigeenkiisii Sheykh Abii Muxamed Al-Jowlaani uu noqday amiirka hadda hay’adda maamula.

Al-Muhandis Haashim ayaa laga dhigay amiirka golaha Shuurada ee hay’adda, lamina oga sababaha isbedelkan keenay, balse waxaa loo badinayaa oo kaliya iney tahay hab maamulka ay u dhisantahay hay’adda oo keenaya in mararkaqaaar mas’uuliyiinta ugu sarreeysa xilalka laga qaado, loona dhiibo howlo kale.

Hay’adda Taxiiru-Shaam ayaa urur ay ku midoobeen jamaacaad dhowr ah oo ka dagaalamayay Suuriya, waxaana kamid ah Jamaacaatkaas Jabhaddii Fatxu-Shaam, Ansaaru-Diin, Liwaa’u Sunnah iyo kuwa kale.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.