Toban Ruux Oo ku dhintay Dab ka kacay dalka Maraykanka.
Gobolka Calofornia ee dhaca koonfur galbeed dalka Maraykanka waxaa ka kacay dab xoogan, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur hanti intuba.
Saraakiisha Booliiska Maraykanka ee gobolka California ayaa xaqiijiyay dhimashada 10 Ruux, waxaana dabku uu yaahy mid weli socoda oo aan lagu guuleysan in la damiyo.
8 degmo oo katirsan gobolka ayuu dabku si isku mid ah uga socodaa, waxaana xoogiisa uu ka socodaa degmooyinka Naaba iyo Sonoma ee California.
Sarkaal Booliis ah ayaa bartiisa Twitterka wuxuu kusoo qoray in dhimashada dabkan uu sababay ay gaareyso illa iyo 10 Ruux, wuxuuna taczi u diray ehellada iyo Asxaabta dadka dhintay.
Dabka ayaa basbeeliyay dhul beeraad ballaaran iyo dhismooyin ay dad degnaayeen, waxaana beeraha basbeelay kasoo bixi jiray miraha Nabiidka ee laga sameeyo Khamriga.
Maraykanka ayaa tan iyo sanadkan 2017 wuxuu Alle ku imtixaamay masaa’ib Rabaani ah, waxaana jira duufaanno, dabeylo iyo dab xoogan oo sidan oo kale mar mar ku dhufta dalka Maraykanka, waxaana ugu wacan oo loo sababeeyaa dulmiga dowladan ay ku heyso Caalamka Muslim iyo Gaal labaduba.