Uhuru Kenyata Oo Markale kusoo baxay Doorashada Madaxtinimada Kenya.
Gudida Doorashooyinka dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay goordhow in madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyata uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee maalmahan ka socotay gobollo kala duwan oo kamid ah wadankaas.
Gudigu waxay sheegeen in Uhuru Kenyata uu helay 98.2% codadka guud ee dadka doorashada ka qeybgalay.
Arintan ayaa timid iyadoo Raila Odinga oo u tartamayay xisbiga Naasa uu horay u diiday inuu ka qeybgalo doorashooyinka oo uu ku tilmaamay kuwa musuq maasuq uu hareeyay, waxaana taageeriyaashiisa uu ka codsaday ineysan ka qeyb galin cod bixinta.
Goobaha Cod bixinta ayaa laga dareemayay firaaqo badan taas oo uu muujineysa in ka qeyb galayaasha doorashada ay aad u yaraayeen, waxaana laga cabsi qabaa isku dhecyo dhiig ku daata oo dhexmara Taageerayaasha Mucaaradka iyo Booliiska.
Dhowr maalin kahor ayaa magaalada Nairoobi waxaa laga helay meydadka labo Askari oo Booliiska Kenya katirsan, kuwaas oo la toogtay, waxaana tallaabadaas loo maleynayaa iney ka qeyb tahay qalalaasaha ka jira dalka Kenya.