Wasiirkii Gaashandhiga Dowladda Federaalka iyo Taliyihii Ciidamada Oo Is Casilay.

Wasiirka Gaashandhiga dowladda Cabdi Rashiid Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay Is casilaad rasmi ah, isagoona waraaqaha Iscasilaada ku wareejiyay Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha dowladda.

Goordhow ayuu Wasiirku sheegay inuu is casilay.

Taliyihii Ciidamada milliteriga dowladda Jeneraal Cirfiid ayaa isagana is casilaad ku dhawaaqay.

Lama oga sababaha rasmiga ee labadii mas’uul ee ugu sarreysay ciidanka dowladda ay shaqada uga carareen, waxaana ay imaaneysaa is casilaadan iyadoo weeraro khasaare badan dhaliyay lagu qaaday ciidamada dowladda bilihii lasoo dhaafay, waxaana ugu caansan weerarkii Bariire ee dhacay 29 Septembar kaas oo lagu dilay 96 Askari oo katirsan ciidamada dowladda ee sida gaarka ah ula shaqeeya Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.