Xassan Fiyooke: “Farmaajo Sidan Kuma Sii Dhameysan Karo Afarta Sano” (Dhageyso)
Madaxweynaha DF oo muddo ka badan bil aanan saxaafadda la hadlin ayaa maalintii shalay hadalo ka jeediyay munaasabad uu ku saxiixayay sharciga isgaarsiinta, waxaana la yaab lahayn inaanu u tacsiyeyn ciidamadii tirada badnaa ee loogu laayay degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.
Xassan Fiyooke Cali ayaa sheegay in uu Farmaajo ceeb la aamusnaa maadaama uu nin Soomaaliyeed u dhiibay Xabashida, uuna ku faanay inuu isaga amray dadkii lagu xasuuqay Jilib agteeda, sidoo kalana ay isku raac-raaceen dagaallo lagu soo afjaray xeryo ay deganaayeen ciidamada dowladda.
Aqoonyahanka ayaa wax ka taabtay culeysyada ay hadda wajahayso DF oo laga xusi karo kan ay kala kulmeyso maamul goboleedyada iyo arimo kale oo uu ku qiimeeyay suurto gal ahaanshaha iney sii shaqeyn karto dowlad iyadoo aanan sannad gaarin ku hor kuftay bulshada.