Yahuudda oo Rag katirsan Muqaawamada Filastiin ku dishey duqeyn ay ka geystay Qazza.
Ciidamada Yahuudda ayaa duqeyn ay ka geysteen Jiidda Qazza waxay ku dileen saraakiil iyo ciidamo katirsan kooxaha Muqaawamada Filastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Yahuudda.
Ugu yaraan 8 Ruux, oo saraakiil milliteri ay ku jiraan, kana tirsan garabka milliteri ee Xamaas, iyo sidoo kale milliteriga urur lagu magacaabo Al-Jihaad Al-Islaami.
Bayaanaad kasoo kala baxay labada urur ee rag katirsan ciidamadooda lagu dilay duqeyntan ayaa ku hanjabay iney jawaab cad ka bixin doonaan falkan fuleynimada ay ku tilmaameen ee ay ku kaceen Yahuudda.
Duqeyntan ayaa timid iyadoo wadahadalo dhexmaray ururka Fatax iyo Xamaas lagu heshiiyay in Jiidda Qazza lagu wareejiyo maamulka dowladda, waxaana heshiiskan oo ay garwadeen ka ahyad Masar lagu doonayaa in kooxaha wax iska caabinta hubka looga dhigo.