Abuu Muscab: Majirto Hal Mujaahid Oo Dowladda Maraykanka ay beegstay.

Iyadoo taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa uu shaaca ka qaaday inuu duqeyn ku dilay kudhowaad 100 Askari oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa waxaa sheegashadaas ganafka ku dhuftay taliska milliteriga ee Mujaahidiinta.

Sheykh Cabdil Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Mujaahidiinta ayaa beeniyay warka kasoo baxay Maraykanka, isagoona sheegay ineysan jirin goob la duqeeyay oo ay ku sugnaayeen ciidamo Mujaahidiin ah.

“Warka ka soo yeeray dowlada saliibiyada Mareykanka waa been aan sal iyo raad midna lahayn. Ma jirto wax duqeyn ah oo lagu beegsaday Mucaskaraatka Mujaahidiinta, mana jiro xitaa hal Mujaahid oo ay beegsadeen diyaaradaha Mareykanka”  ayuu yiri Sheykh Cabdil Caziiz Abuu Muscab.

Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in hadafka laga leeyahay wararkan been abuurka ah uu yahay in lagu qariyo fashilka siyaasadeed iyo midka millitery ee heysta Maraykanka iyo xulafadiisa.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowrjeer duqeymo ay ka geystay koonfurta Soomaaliya waxay ku leysay dad shacab masaakiin ah, iyadoona ku tilmaamtay saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like
1 Comment
  1. هل تعرف الاسدالدين says

    مَنْ سَألَ اللهَ تَعَالَى الشَّهَادَةَ بِصِدْقٍ بَلَّغَهُ اللهُ مَنَازِلَ الشُّهَدَاءِ، وَإنْ مَاتَ عَلَى فِرَاشِهِ

Leave A Reply

Your email address will not be published.