Askar Katirsan Shisheeyaha Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku noqday Dagaal ka dhacay duleedka Buula-Mareer.

Weerar Jidgal ah oo duhurnimadii maanta loo dhigay ciidamo katirsan Shisheeyaha oo ku socodaalayay inta u dhexeysa Buula-Mareer iyo Golweyn ayaa waxaa laga helayaa faafaahin dhameystiran.

Dagaal kulul oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Shisheeyaha oo ka yimid magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Ugu yaraan 4 Askari oo Shisheeyaha katirsan ayaa la dilay, halka 3 kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la arkayay ciidamada Shisheeye oo diif daran ay ka muuqato.

Ciidamadan ayaa dhowr maalin waxay ku jiraan inta u dhexeysa Baraawe iyo Buula-Mareer, waxaana mar weliba ay filanayaan iney ku dheceen weeraro Kamiin ah oo ay u dhigayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo daadsan howdka Shabeellaha hoose.

Golweyn waxaa lagu xusuustaa weerarkii cuslaa ee ay kula kulmeen Ciidamada Shisheeyaha, dagaalkaas oo looga dilay kudhowaad 50 Askari halka lagu dhaawacay tiro intaas kabadan, waxaana filim kasoo saaray mu’assasasada Al-Kataa’ib.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.