Askar lagu dilay Muqdisho iyo dulleedkeeda.
Ciidamada Xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa qaaday howlgall ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo dulleedkeeda.
Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamo katirsan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa si gaar ah uweeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska Dowladda Federaalka.
Howlgalka oo udhacay si qorshaysan ayaa galaaftay Nolosha Hal askari, waxaana ku dhaawacmay saddex askari.
Iloo wareeyo ayaa sheegaya in sadaxda askari ee ku dhaawacmay howlgalka xaaladoodu ay tahay mid aad udaran kuwaasi oo lagu daweynayo Muqdisho.
Howlgalka waxaa sheegatay xarakada shabaabul mujaahidiin oo wacad ku martay inay sii wadayso beegsashada Ciidamada Dowladda.
Dhanka kale weerar kale oo xalay ka dhacay tabeelaha sheekh Ibraahim waxaa lagu dilay haweenay kamid ahayd ciidamada Booliska ee dowladda.
Haweenaydaan ayaa katirsanayd saraakiisha Ciidamada Booliska ee Filo baydhabo.
Waxay qaabilsanayd bixinta Mushaaraadka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii badanaya weerarada ay gaysanayaan ciidamada shabaabul mujaahidiin ee lagu wajahayo ciidamada iyo saraakiisha dowladda.