Askar lagu dilay Qarax ka dhacay Afgooye.
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax culus lala eegtay ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa degmada Afgooye.
Qaraxa wuxuu ka dhacay Isbaaro u taalla ciidamada dowladda afaafka hore ee laga soo galo degmada Afgooye oo 30KM u jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
3 Askari ayaa lagu soo waramayaa iney durba dhinteen, waxaana jira dhaawacyo kale oo xaaladoodu liidato.
Ciidamada dowladda ayaa Qaraxa kadib waxay xireen goobta, si aan loo arkin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray.
Goor dambe ayay xaaladda caadi kusoo noqotay, waxaana ciidamada dowladda hadda ka muuqda baqdin iyo Anfariir iyagoona garan la’ sida uu Qaraxu u haleelay.