Askari Lagu Toogtay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Goordhow waxaa suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu toogtay Askari katirsan Booliiska dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Askariga toogtay, isagoo marayay bartamaha Suuqa Bakaaraha.

Waxaa laga qaatay Qori AK ah oo uu ku hubeysnaa Askariga katirsan Booliiska dowladda, oo sida muuqatay doonayay inuu dhac iyo baad u geysto ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Howlgallada ka dhanka ah xubnaha iyo ciidamada dowladda ayaa kusii kordhaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.