Barwaaqo sooranka baadiyaha Soomaaliya.(sawirro)

Xilli roobaadka aanu ku jirno oo deyr ah waxa uu noqday mid barwaaqo ah oo dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen.
Biyaha ayaa ceegaaga waraha iyo billiyada iyo meelaha kale ee godan dhirtana waxaa isku daahay caleen iyo ubaxyo.

Reer miyIga ayaa waqtigaan oo kale aad u faraxsan waxaanay xoolahooda daajinayaan meelo deegaan ah.

Booqasho ayaanu ku tagnay deegaano ka tirsan gobalka jubada dhexe oo xiga dhanka soohdinta gobalkaasu la wadaago gobalka Bay.

Iminka waa waqtiga xooluhu cayilaan qaarkoodna ay rimaan, neefkii irmaan ahaana caano laga helo.

Maalmo iyo habeeno aanu baadiyaha iminka barwaaqo sooranka ah ku qaadanay nolosheenu waxay ahayd mid ka duwan tii magaalada.
Sawiro aanu ka soo qaadnay miyiga waxay muujinayaan in sanadkaanu yahay mid aarmay waxaana laga raystay nabaradii ka dhashay abaaro sanadihii tegay dalka badankii ku dhuftay.

Hoos Ka Eeg Sawirada.

La soco qeybta laabdaad oo aanu ku soo qaada doono sawiro iyo wareysiyo geela ku saabsan Insha allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.