Booliiska Austerlia oo Gacanta ku dhigay Qof lagu eedayay qorsheynta Weerar.

Iyadoo bil iyo maalmo ay ka harsantahay dhamaadka sanadka miilaadiga, markaas oo wadamada Reer galbeedka lagu qabto xaflado iyo dabaal degyo la xiriira sanadka cusub ayaa dhanka kale waxaa taagan cabsi laga qabo weeraro ka yimaada dadka Muslimiinta.

Booliiska dalka Austrlia ayaa gacanta ku dhigay wiil dhalinyaro oo 20 jir ah, kaas oo lagu eedayay inuu abaabulayay duulaan uu ka fuliyo gudaha dalka Austrelia marka la gaaro sanadka cusub.

Booliiska ayaa wiilkan waxay dhigeen xabsiga, iyagoona ballanqaaday in mardhow ay soo taagi doonaan maxkamad.

Magaalada Malbrun ayaa la sheegay in wiilku doonayay inuu weerarka ka fuliyo, balse lama oga in warkan uu dhab yahay iyo cabsi darteed un loo xiray wiilkan muslimka ah.

Austrelia ayaa ah isbaheysi garab taagan dowladda Maraykanka, waxaana ciidamo ka jooga dalalka Afqaanistaan iyo Ciraaq, tan iyo sanadkii 2014-tiina waxaa dalkan ka taagan xaalad feejignaan ah iyadoona laga baqayo iney kusoo laabtaan Jihaadiyiin kayimid dalalka Ciraaq iyo Suuriya kuwaas oo fulin karo weeraro dhiig badan uu ku daato.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.