Camaliyad Nafhurnimo Oo Lagu Dilay Saraakiil Maraykan ah Oo Goordhow Dhacday.

War kusoo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu xaqiijinayaa in Camaliyad Nafhurnimo oo aad u culus lala eegtay kolonyo katirsan Ciidamada Shisheeyaha oo ay la socdeen kuwa Maraykan ah oo marayay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid culus uuna  fuliyay Naftii hure katirsan Guutada Istish-haadiyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gallaaftay nolosha Saraakiil Maraykan ah oo la socoday kolonyada.

Wararka  horudhac ah waxay xaqiijinayaan in ugu yaraan 5 Sarkaal oo Maraykan ah ay dhinteen, iyadoona suuragal ay tahay iney sii kororto dhimashada.

Sarkaal katirsan Ciidamada AMISOM oo la hadlay warbaahinta Reer galbeedka wuxuu xaqiijiyay in qarax culus lala eegtay Kolonyo katirsan Ciidamadooda isagoona sheegay inuu soo baari doono in Ciidamo Maraykan ah ay la socdeen, taas oo dadka qaar ay la yaabeen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan Nafhurnimo ee maanta ka dhacay nawaaxiga deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.