Ciidamada Kenyaati ah Oo dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar Ku Qabsaday NFD.

Wararka ka imaanaya gobolka NFD ee Kenya ay gumeysato ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah loo dhigay ciidamo katirsan Booliiska Kenya oo socdaal ku jiray.

Wadada xiriira magaalada Wajeer iyo deegaanka Dabisati ayaa Ciidamo katirsan Booliiska Kenya waxaa ku qabsaday weerar kamiin ah oo ay dhigeen ciidamo aad u hubeysnaa oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid kulul laguna kediyay ciidamada Kenyaatiga ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciiidamada Booliiska, iyadoona Mujaahidiintu ay gubeen labo gaari oo kamid ah kolonyada dhabbaha loo galay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dishey ciidamo badan, islamarkaana ku qabsatay hub iyo Agab milliteri.

Ciidamada Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka Soomaalida ee Kenya gumeysiga ay ku heysato ayaa sii laba jibaara dhaq-dhaqaaqyada ciidan xilliyadan oo kale, waxaana dowladda Kenya ay u taag heli la’dahay iney ka hortagto weerarada Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.