Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Dagaal kula wareegay Deegaan Muhiim ah oo Hiiraan katirsan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in Askar katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal culus ay ku qaadeen deegaan dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hiiraan.

Deegaanka la weeraray waxaa lagu magacaabaa Ceel-cadde, wuxuuna katirsanyahay gobolka Hiiraan, ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa Itoobiya la shaqeeya ayaa ku sugnaa, waxaana qabsaday dagaal adag oo jihooyin kala duwan uga imaaday.

Dagaal kulul ayay marti gelisay magaalada, waxaana ciidamadii dowladda kadib ay u baxsadeen dhanka dhulka Soomaali galbeed ee Xabashidu gumeysiga ay ku heysato.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka, kadib markii ay ka firxadeen kuwii dowladda oo halkaas ku sugnaa.

Dagaalkan kulul ayaa la rumeysanyahay in khasaare adag oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidamada Itoobiyaanka la shaqeeya, deegaankana waxaa haatan maamulaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.